WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Somaliland oo si adag isaga difaacday eedeyntii uga timid Puntland ,kadib Dagaalkii Buuraha Galgala-Video+Warbixin

Hargeysa (Horufadhi News)- Maleeshiyada al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weerar culus ku qaaday saldhig cidianka Puntlkand ay ku leeyihiin meel u dhow Galgalka. Wararka VOA ay heshay ayaa sheegay in maleeshiyadu ay muddo kooban halkaasi qabsadeen, kuna gubeen baabuur dagaal.

Puntland ayaa iyadu beenisay in saldhigga laga qabsaday, waxayna dhinaca kale Somaliland ku eedeeysay inay dagaalka lagu qaaday saldhigga ay ku lug lahaayeen.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wasiirka amniga Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf ayaa weerarkan lagu qaaday saldhigga ciidanka Puntland ku eedeeyay in Somaliland ay ku lug lahayd.

Dhanka kalana, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa beeniyay hadalka Puntland. Wuxuu u warramay wariyaheena Maxamed Cabdi Sandheere.

SOMALI NEWS

To Top