WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Siyaasi reer Holland ah oo aad u necbaa Islaamka oo qaatay Diinta Islaamka-Video

 Muqdisho (Caasimada Online) – Nin horay uga tirsanaa xisbiga shacbawiga ah ee midigta fog ee Geert Wilders (oo isna ah nin Islaamka aad u neceb) ee dalkaasi Holland ayaa ku dhawaaqay inuu qaatay diinta Islaamka.

Joram Van Klaveren oo aad u cambaarayn jirey Islaamka ayaa sheegay in uu bilaabay inuu buug ka qoro Islaamka. “Intii aan qorista ku guda jirey ayaan ka hor imid xaqiiqooyin aragtidaydii Islaamka kala xooray,” ayuu ku yiri idaacadda Dutch radio.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Van Klaveren ayaa xubin ka ahaa Xisbiga Freedom Party (PVV) min 2010 ilaa 2014, balse wuxuu xisbiga iskaga tegey 2014, markii uu Wilders taageerayaashiisa oo isu soo baxay waydiiyay inay doonayaan Marookaan yar ama badan oo ay jamaahiirtii ku qayliyeen “In yar!, in yar!, in yar!”

Kaddib markii uu ka tegey PVV, Van Klaveren wuxuu samaystay xisbi u gaar ah oo la yiraahdo For Netherlands Party, balse hal kursi kama helin doorashadii baarlamanka ee 2017, kaddibna wuu iskaga baxay siyaasadda.

Van Klaveren oo aad u dhaliili jirey Islaamka xilligii PVV ayaa mar yiri “Islaamku waa been” iyo “Qur’aanku waa sun,” sida uu weriyay warsidaha NRC. Balse iminka wuxuu sheegay in xisbiga PVV uu ku dhaqmo siyaasad ah in wixii xunba Islaamka lala xiriiriyo, taasina ay khalad tahay.

Arnoud van Doorn, oo ahaa sarkaal ka tirsanaa PVV oo laftiisu horay u Islaamay ayaa u hambalyeeyay Van Klaveren isagoo Twitter kusoo qoray: “Marna ma filaynin in PVV uu noqon doono meel ay kasoo fufaan dadka qaadanaya Islaamku.”

SOMALI NEWS

To Top