WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Shirar nabad looga dhex dhalinayo Soomalida iyo Oromadda oo socda-Video

JigJiga (HM)-Magaalada Jigjiga waxaa ka furmay shirweyne lagu nabadeynayo Soomaalida iyo Oromada Itoobiya oo mudooyinkii ugu dambeeyey ay dhexmareen colaado lagu dilay boqolaal qof, kuwaasoo ka dhashay muran la xiriira tuulooyin ku yaalla xadka labada degaan.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxda labada degaan, Odayaal dhaqameedka Soomaalida iyo Oromada, Guddoomiyaha Ururka ONLF, Madax heer fadaraal ah iyo marti sharaf kale.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxaa lagu furay shirkan heeso wadani ah oo ay isla qaadayeen kooxaha fanka ee labadan degaan, iyadoo Odayaal dhaqameedka labada degaan ee Soomaalida iyo Oromada ay si wada jir ah ugu duceeyeen in Soomaali iyo Oromo Ilaahay Nabad waarta dhex dhigo.

Madaxwaynaha DDS Mustafe Cagjar ayaa shirkan furay hadallo koobana ka soo jeediyay isagoo ka hadlay xiriirka walaaltinimo ee Soomaalida iyo Oromada isagoo kula dardaarmay in lasii xoojiyo Nabadda iyo walaaltinimada labada qawmiyadood.

Sidoo kale Madaxwaynaha Deegaanka Oromiya Shimalis Abdisa ayaa isna sheegay in labada shacab ee Soomaalida iyo Oromadu ahaayeen walaalo, waxa kale oo uu sheegay in halgamayaashii Oromadu markii ay duurka ku jireen in hooyooyin Soomaaliyeed ay caanaha iyo biyaha siin jireen wuxuuna hadalkiisa ku soo khatimay in Oromada iyo Soomaalidu dib dambe la isugu diri karin iskuna dhici doonin.

Shirkan oo ah kii 2aad ayaa kan kii ka horreeyay waxaa lagu soo qabtay magaalada Adhaama oo ah caasimadda deegaanka Oromiya.

SOMALI NEWS

To Top