WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Sheekh Shariif oo meel kamid ah khudbadiii uu Farmaajo ku weeraray raali galin ka baxshay!!.

Muqdisho (HM)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed oo markii labaad warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa raali galin ka bixiyay Qayb ka mid ahaa khudbadii uu kaga hadlaayay arimaha siyaasadda dalka iyo xayiraadii loogu geystay garoonka Aadan-Cadde.

Siyaasiyiin iyo dad badan oo reer Koonfur Galbeed ah ayaa ka fal celiyay hadalkii  ee Sheekh Shariif uu ka jeediyay shirkiisii jaraa’id oo mar uu tirinayay magacyada maamul goboleedyada uu Koonfur Galbeed magaceeda kasoo qaatay Bay iyo Bakool.

HALKAN KA DAAWO

Shariif Sheikh ayaa sheegay in Bay iyo Bakool uu kala jeeday Koonfur Galbeed sidoo kalana khudbadiisa uu kusoo hadal qaaday gobolka seddaxaad ee Shabeellada Hoose oo ka mid ah gobolada uu ka arimiyo maamulka Koonfur Galbeed.

“Waxaan rabaa in aan raali galin ka bixiyo kalmad maanta ku jirtay hadalkeygii oo aheyd in Koonfur Galbeed aan ugu yeeray Bay iyo Bakool, dadka qaar ayaa si kale u qaatay waan ka raali galinaa walaalahey” ayuu yidhi Sheikh Shariif oo caawa la hadlay warbaahinta.

Siyaasiyiinta sida weyn uga fal celiyay hadalka Sheikh Shariif oo sheegay in ay ka caroodeen ayaa waxaa ka mid ah Aadan Saransoor oo hoggaamiya mid ka mid ah xisbityada siyaasadeed ee dalka, waxa uuna sheegay in Sheikh Shariif uusan aqoon saneyn maamulka Koonfur Galbeed.

SOMALI NEWS

To Top