WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Sheekadda ka dambaysa in Nin Soomaali ah lagu sifeeyo Wiilka Madaxweynihii hore ee Ugandha.

 Muqdisho (HM)-Qaarkood waa ay la an-fariireen, qaar kalena way ka naxeen, halka kuwa kalena ay lama filaan ku noqotay markii wadaad Soomaali ah la sheegay in u dhalay madaxweynihii hore ee Uganda, Idi Amin Dada.

Cidda sida dhabta ah ay u saameysay waa qoyska Sheekh Cabdullaahi Sheekh Shaamow, oo ku nool degaanka Carbiska ee duleedka magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Cabdullaahi, oo qof kale uu sawirka ku wehliyay ayaa wuxuu yahay macalin dugsi Qur’aan iyo Imaamka mid kamid ah Masaajida degaankaas ku yaala.

Bu’da qisadda

Sawiradda ayaa muujiyey in ay ku sugnaayeen xeradda ciidanka Uganda ee duleedka magaala madaxda Soomaaliya halkaas oo ay kormeer ku tageen Xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Kampala.

“Sheekadda waxay kasoo bilaabeen ninkan anaga waaye, macnaha waa Yugaandhees, waana ka diiday,” ayuu yiri. “Marka waxay dhaheen waan ku waddeynaa Uganda ayaan ku geynaynaa”.

Sheekh Shaamow iyo xubno kamid ah dadka degaanka ayaa Axadii, 27-ka October 2019, saldhigaas u tagay sidii ay xaqiisa ugu soo dhici lahaayeen wiil uu adeer u yahay oo uu jiiray mid kamid ah gaadiidka AMISOM.

“Maalin kale ayay na balamiyeen oo ay na yiraahdeen wafuud ayaa imaaneyso, iyaga u sheegta dhibaatadiina,” ayuu walaalkii. “Markii aan tagnay barnaamijkan ayey bilaabeen, annaga oo diideyna,” ayuu raaciyey.

Reerka oo aamisan in dhacdadan la doonayey “in lagu daboolo kiiska wiilka” ayaa ka doonaya howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM lacago magdhow ah oo laga siiyo dhibaatadda soo gaartay wiilkooda.

“Shirqool”

Sidda laga soo xigtay Cabdullaahi, sawiradda la faafiyey ayaa looga qaadey si xoog ah. “Maadaama ay nooga awood badan yihiin oo meeshooda aan joogno waxaan goosanay in aan iska aamusno”.

Sheekaddan oo uu daabacay wargeyska New Vision ayaa wuxuu ku sheegay in Cadullaahi ay iska dhaleen Dada iyo haweenay kasoo jeeda Baydhabo.

Hase ahaatee, waxaa sheegashadaas gabi ahaanba waxba kama jireen ku tilmaamay wadaadka oo sheegay in ay tahay shirqool loo degay.

“[Waa] been ka gadaa’ib ah oo Yugaandheeska ka deeyee, ayagoo iigu shirqoolaayo, waxaas ayaan kasoo horjeedaa in aan beeniyo waana been,” ayuu yiri isaga oo ka falcelinaya sheegashada wargeyska New Vission.

Warbixinta jaraa’idka ayaa shaacineysa in Cabdulaahi oo loosoo jeediyay in waddanka Uganda loo kaxeeyo balse uu diiday balse uu ka biyo diiday arrintaas.

Faarax Cabdullaahi Muumin, oo ah qofka sawirka kala soo dhex-muuqday Cabdullaahi ayaa sharaxay shucuur-tiisa kadib markii ay arrintaan soo shaacbaxday todobaadkan.

“Habeenkii markaan aragnay illaa iyo maanta maskaxdeyba maba joogtaba. Sida aan ninka u aqoono iyo sidda loo bedelay ayaaba maskamaxdeyda la weyn tahay, shirqool intaasi dhan waliba ma arag,” ayuu u sheegay Dalka Tv.

Falcelinta dadweynaha

Sheekadda jinsiyadiisa lagu bedelay Imaamka ayaa waxaa si carro leh uga war-celiyey dadka degaanka oo is-barbar taagan wadaadka isla markaana hoosta ka xariiqay “in noloshooda khatar la geliyay”.

“Nimankan niman shirqool wato ayey ahaayeen, niman annaga noo dan leh ayey ahaayeen,” ayuu Faarax hadalkiisa ku daray.

Shugri Maxamed Cali, mid kamid ah dadka degaanka kuna jirta ardayda Sheekh Cabdullaahi ayaa aad uga xumaatay wararka laga baahiyey macalinka.

“Ciidamadda Uganda iyaga oo ceelkeenii biyaha ku fadhiya oo guryaheenii degan in ay haddana dadkeenii ku darsadaan ma ogolin. Waxaan codsaneynaa in Soomaaliya isku tiirsanaato cadowgoodana ogaadaan,” ayay tiri.

Cabdullaahi oo degaanka Carbiska ee duleedka Koonfur Galbeed ee magaaladda Muqdisho soo degay sanadkii 1975-tii ayaa Aabihii Sheekh Shaamow Fariid Cabdi Mahad-Alle iyo Hooyadii Makaay Guhaad ku duugan yihiin halkaas.

HALKAN KA DAAWO

SOMALI NEWS

To Top