WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Madaxweynaha maamulka Puntland oo weerar ku qaaday Madaxda Dowladda Federaalka.

Garoowe (HM) – Madaxweynaha maamul gobaleedka  Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo khudbad u jeedinayey shacabka ku nool Qardho ayaa weerar dhinaca afka ku qaaday dowladda federaalka, gaar ahaan siyaasadda ay ku wajaheyso maamulkaasi.

Deni ayaa sheegay in kulamo looga soo horjeedo isaga, lagana soo abaabulay meel ka baxsan Puntland lagu qabtay deegaano ka tirsan maamulkaasi, islamarkaana lagu kala fogeynayey shacabka iyo madaxdooda, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda federaalka ah aysan wadin mashariic horumarineed, balse ay ku jirto geedi socod siyaasadeed oo ay ka leedahay dano gaar ah.

”Dowlada federaalka ah aniga waxaan soo ahaa Wasiirkeeda Qorsheynta Waxa meesha yaalla oo nooga maqnaan kara waan garanaya laakiin xaqiiqda Waxa ay dadweynuhu maleynayaan Mashaariic mahan dowladda Soomaaliyeed waxay ku jirtaa geedi Socod Siyaasadeed , Dowladda wali ma caga dhigan Soomaaliya.” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Dhanka kale Madaxweynaha Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa reer Puntland ka dalbaday inay taageeraan qorshihiisa, si buu yiri aan ula xisaabtamo dowladda dhexe, ugana helno saamiga ay leeyihiin shacabka ku dhaqan deegaanada Puntland.

“Anigu xisaabtan baan meel la fadhinayaa adinka ayaan idinku matalayaa, dhowr jeer ayaa wax la ii sheeg sheegay, hadaad rabtaan inaan sidaas iska yeelo, waa la kari karaa ruuxadeeda.” ayuu sii raaciyey Madaxweynuhu.

Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay hoggaamiyahan maamulka isku cimaamaday Hooyada Federaalka in Puntland aysan ka soo horjeedin dowladninada Soomaaliya, islamarkaana ay tahay halka laga aas aasay midnimada Soomaaliya sida uu hadalkiisa u dhigay Deni.

SOMALI NEWS

To Top