WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Shacabka Boorame oo u hiiliyey Cali Khaliif Galaydh iyo Axmed Ismaaciil Samatar iyo Doodii oo ay qabanayaan-Video

Boorama ( HM ) Waxaa loo Ogolaaday inay magaalada Boorama ee Gobolka Awdal inay Shir iyo Dood ku Qabtaan Siyaasiyiinta  Prof. Axmed Ismaaciil Samatar iyo Dr. Cali Khaliif Galaydh  oo Horay goobo kala duwan ugu soo Qabtay dood ay kaga hadleen Xaalada Somaliland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxaa la sheegay in  Hadii alle idmo Afarta Bisha Shanaad [MAY] ee soo socota,  ay Dooda ku Qaban doonaan magaalada Boorama, waxaana ka Warbixiyey Dooda iyo Muhiimadda ay leedahay Qaar kamid ah Dadka Qaban Qaabinaya, kuwaasi oo sidoo kale Xaqiijiyey inay doodu ka Qabsoomi doonto Booorame.

Arintan ayaa ka ka dhigan in la Xaliyey     Murankii ka taagnaa Dooda Boorama iyadoo horay loo sheegay in laga Hor istaagay inay ku Qabtaan.

SOMALI NEWS

To Top