WARARKA SOOMAALI

DAAWO:Shabakadda Horufadhi oo soo uruurisay Nuxurka Khudbadii Taariikhda gashay ee Ra’iisul Wasaare Khayre ka jeediyay Golaha QM-Video

Ra’isul Wasaaraha dowlada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa khudbadiisii shirka Qaramada si gaar ah codsi ugu diray beesha Caalamka

Shabakadda Wararka ee Warqaad.com ayaa soo qaadaneysa Afar kamid ah qodobadii ugu waa weynaa ee uu Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre hordhigay madaxda Caalamka.

1- Daacish iyo AlQaacida:  Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku xoogan yihiin kooxaha Daacish iyo Alqaacida, ayna dowladiisa ubaahan tahay in laga garab siiyo sidii loo ciribtiri lahaa.

Laakiin, Waxaa uu sheegay in dowladiisu ay qaaday talaabo walba oo looga adkaanayo kooxahaas oo uu ku tilmaamay kuwa aan unaxeyn dadka.

“Gudaha Soomaaliya waxaan bilownay howlgalo aan ku wiiqnay awooda AlShabaab, sidaas daraadeed waxaan uga mahadcelinayaa arintaas Amisom, Laakiin si aan arintaas u xaqiijinayo waxaan diirada saareynaa dhisida awood ciidan oo ay leedahay Soomaaliya”.ayuu yiri Kheyre.

2-  Arrinta Cunaqabateynta Hubka: Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisa ay ubaahan tahay in laga qaado cunaqabateynta ka saaran dhanka hubka si loo helo awood militeri oo Soomaaliya ay leedahay.

“Hase yeeshee, Cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya waa derbi adag oo xanibaya ujeedadii laga lahaa ciidan qaran, dwolada Soomaaliya waxaa ay sii wadeysaa iney la shaqeyso golaha amaanka ee Qaramada Midoobe, waxaana rajeyneynaa in nagala qaado cunaqabateyta hubka”ayuu yiri Kheyre.

3- Abaarta iyo Baahida Kaalmada Caalamka: Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya iyo dalalka Geeska Afrika ay ku dhufatay abaar sababtay in kumanaan kun ay dhintaan kuwa kalana ay barakacaan sidoo kalana ay xoolo badan ku dhamaadeen, welina aya jirto malaayiin Soomaali ah oo macluul udhiman kara.

“Waqti Xaadirkan Xaalada malaayiin Soomaali ah waxaa ay weli ku sugan tahay mid nugul welina wey jiraan raadadkii abaartii iyo macluushu dowlad ahaan waxaanu leenahay qorshe wax loogu qabanayo mashaakilkan soo noq noqonaya hase ahaatee Soomaaliya iyo wadamada lamid ka ah ee u nugul isbadalada cimilada ee saameynta ku yeeshay ma awoodi karaan iney la tacaalaan masiibooyinkaas

4- Arimaha Haweenka, Dhalinyarada iyo Dilkii Wasiir Siraaji: Ra’isul Wasaaraha dowlada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in dowladiisa ay ku dadaashay in door weyn ay siiso haweenka iyo dhalinyarada.

Waxaa uu tusaale usoo qaatay in Cabaas Siraaji oo ahaa arday wax ku bartay xeryaha Qaxootiga Kenya uu kamid ahaa golihiisa Wasiirada, laakiin nasiib daro la dilay.

Si kastaba, Khudbadda Ra’isul Wasaare kheyre oo meelo badan taabaneysay ayaa soo jiidatay madaxda wadamada caalamka.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

 

SOMALI NEWS

To Top