WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Shabakadda Horufadhi oo isku soo uruurisay wararkii ugu dambeeyay ee xiisadda Baarlamanka iyo kulan hada ka socda Villa Soomaaliya-Video

Wararkii ugu dambeeyay ee Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegaya in Xarunta ay ka baxeen Xildhibaanadii mooshinka waday iyo Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabdi wali shiikh Ibraahim Muudeey.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka gaar ahaan xildhibaanada Mooshinka wada ayaa  sheegay in Ciidamo uu wato Guddoomiye Jawaari ay xoog ku qabsadeen Xarunta Golaha Shacabka taasina ay sababtay in Xildhibaanada ay dib Guryahooda ugu laabtaan.

Xildhibaanada Cabdicasiis Cabdullaahi oo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya ayaa Gudoomiye Maxamed Shiekh Cismaan Jawaari ku eedeeyay in Awood uu ku qabsaday xarunta golaha shacabka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in xarunta ay isugu soo hareen oo kaliya xildhibaanada taageersan gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Dhanka kalena warka goor dhow aan ka helayno xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in kulan deg deg ah xiligan Madaxtooyada Soomaaliya uga socdo Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Kheyre.

Wararka aan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in kulanka ka socda xarunta Madaxtooyada Soomaaliya uu ka qeyb galayo Gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee Baarlamanaka Soomaaliya oo hada ah sii hayaha xilka Gudoomiyaha.

Kulankan ayaa looga hadlayaa xiisada siyaasadeed ee ka dhax aloosan Baarlamaanka iyo foodadii maanta xarunta Baarlamaanka ka dhacday, waxaana si gaar ah looga hadlayaa habdhaqankii Jawaari maanta uu ka sameeyay xarunta Baarlamaanka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Kulankan u socda Madaxweynaha , Ra’isul Wasaaaha iyo Gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Cabdiweli Muudey ayaa ah mid albaabada u xiran yahay oo ay adag tahay in xog intaan ka badan laga helo.

Waxaa maanta fashil kusoo dhamaaday kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kadib markii la sheegay in Gudoomiyaha Baarlamanaka Jawaari iyo kuxigeenkiisa labaad ee ciidamo la galeen xarunta .

Horufadhi News.

SOMALI NEWS

To Top