WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Shabaab oo soo bandhigay Magacyada Dadkii ay ku dileen Qaraxyadii Muqdisho iyo kuway dhaawaceen-Video

Muqdisho (HM) – Ururka Al Shabaab ayaa shaaciyay magacyada xubno ay sheegeen inay waxyeelo kala duwan kasoo gaartay weerarkii Khamiistii ay ku qaadeen Wadada Maka Al Mukarama, iyaga oo bartilmaameydkooda uu ahaa hotelka Maka Al Mukarama.

Idaacadda Al Shabaab ee Andulus ayaa baahisay warbixin ay kaga hadleen dadkii ay ku dileen kuna dhaawaceen weerarkii ka dhacay magaalada Muqdisho maalintii Khamiista ee lasoo dhaafay, kaasi oo saacado qaatay in lasoo afmeero.

Al Shabaab ayaa sheegay in weerarka ay ku dileen 14 kamid ah ciidamada gaarka ah ee Mareykanka uu tababaro iyo Todobo kamid ah ciidamada Booliska oo dowladda Ingiriiska ay tababarto ee RRT loo yaqaan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Askar Boolis ah iyo ciidamada Bangaraafta ayay sidoo kale sheegeen inay ku dileen weerarka ka dhacay magaalada Muqdisho.

Al Shabaab waxay sidoo kale sheegeen inay dhaawaceen Sarkaal magaciisa ay ku sheegeen Maxamed Sheikh oo kamid ah ciidamada booliska ee UK tababartay iyo ruux kale oo magaciisa ay ku sheegeen Khadar Geelle.

Sidoo kale Al Shabaab ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku dhaawaceen Cusmaan Cali Guuleed (Cusmaan Bakeer) oo ka tirsanaa maxkamada sare ee dalka, sida laga baahiyay warbaahinta Al Shabaab.

Maxamed Cabdi Suldaan oo xildhibaan hore ahaa, C/qaadir Macalin Cali oo ay ku sheegeen xoghayaha xisbiga Haldoor, Xildhibaan Sooyaal, Wasiirru dowle ka tirsan Galmudug oo magaciisa lagu koobay Cibaar, ruux ka tirsan wasaaradda Maaliyadda oo magaciisa lagu sheegay Mukhtaar iyo guddoomiyaha maxkamadda Xamarweyne, ayay sidoo kale sheegeen Al Shabaab inay ku dhaawaceen weerarkii Maka Al Mukaram.

Marka laga yimaado sheegashada Al Shabaab ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda oo si toos ah loogu shaaciyay khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkii ka dhacay wadada Maka Al Mukarama 28 Bishii Febraayo.

SOMALI NEWS

To Top