WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Duqii hore ee Muqdisho oo sheegay in uu balan qaadayo Cashuurta in laga joojiyo Dowladda-Video

Muqdisho (HM) – Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Cadde Xasan Cali Gaabow ayaa sheegay in dadka degan Caasimadda ay bilaabi doonaan in ay joojiyaan waxyaabaha ay ku taageeraan dowladda dhexe ee Soomaaliya, Maadaama aysan jirin wax loo qabto Shacabka.

Cadde Gaabow oo wareysi siiyey Universal TV waxaa uu sheegay in Magaalada Muqdisho ay ka socdaan dhibaatooyin xooggan oo sababay in maalinwalba ay dhintaan dad shacab ah, oo ay haleelaan Qaraxyadda xilli ay bixiyaan Canshuurta ugu badan Soomaaliya.

Waxa uu wacad ku maray in shacabka Muqdisho ay joojin doonaan Canshuurta ay bixiyaan, maadaama loo diiday dadka kunool gobolka Banaadir in ay yeeshaan Maqaam Siyaasadeed.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Haddii aan canshuurta na laga qaado waxba na looga qabaneyn, waxaa ballan ah inaan joojino, waana awoodnaa sababtoo ah dadka canshuurta laga qaado waa dakeena, igaarta canshuurta ururisana waa wiilasheena” ayuu yiri Cadde Xasan Cali Gaabow.

Hadalka Cadde ayaa qeyb ka mid ah dadaallo iyo olole isa soo taraya oo ay dadka u dhashay Muqdisho uga hor-tagayaan dowladda federaalka ah ee ku dul nool ayada oo aan waxba u qaban una ogoleyn matalaad rasmi ah.

SOMALI NEWS

To Top