WARARKA SOOMAALI

DAAWO: RW Rooble iyo Madax kale oo ka qeyb gashay Janaasada Xil. Aamina Cabdi

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda iyo Madaxdii hore ee dalka ayaa salaadda Janaasada ku tukaday maydka Allaha u naxariistee xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi iyo xildhibaan hore Cali Cabdi Dhuxul oo ka mid ah dadkii ku geeriyooday qaraxii xalay ka dhacay Baladweyne.

Meydka Marxuumiinta ayaa maanta laga keenay magaalada beledweyne, si Muqdisho loogu Aaso, waxaana dadka ka qeyb galay Salaada Janaasadda kamid ah, Guddoomiye Mursal, Madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh & Sheekh Shariif, Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali kheyre iyo mas’uuliyiin kale.

Madax katirsan dowladda Soomaaliya, Siyaasiyiin kamid ah mucaaradka iyo inta badan Shacabka Soomaaliyeed ayaa aad uga xumaaday qaraxa lagu dilay Maxruumad Aamino Maxamed Cabdi oo kamid aheyd Xildhibaanadii u doodayay maqnaanshaha Ikraan Tahliil.

 

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO: RW Rooble iyo Madax kale oo ka qeyb gashay Janaasada Xil. Aamina Cabdi
To Top