WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Madaxweynaha Hirshabeelle oo shaaciyay khasaaraha Qaraxyadii dhacay

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa shaaciyay khasaaraha rasmiga ee ka dhashay qaraxyadii Is-miidaaminta ahaa ee fiidnimadii xalay ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa waxaa uu mar kale hore u tacsiyeeyay ehelada iyo qaraabada Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo isku qarxiyey qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ah, sidoo kale tacsi u diray Masuuliyiinta iyo shacabkii ku nafwaayay qaraxyada.

Wuxuu xaqiijiyay Madaxweyne Guudlaawe in qaraxyadii ka dhacay Magaalada Baladweyne ay ku dhinteen 48 qof oo ku jireen Marxuumad Aamina Maxamed Cabdi iyo Xildhibaan hore Cabdi Cali Dhuxul, halka 108 qof kalena ay ku dhaawacmeen.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa tilmaamay inay jiraan dad badan dhismayaal kusoo dumeen, wuxuuna ballan qaaday in dadka qaba dhaawacyada culus loo qaadi doono meel kasta oo ay kaalmo Caafimaad ka helayaan, isla markaana gurmad loo sameeynayo.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-Madaxweynaha Hirshabeelle oo shaaciyay khasaaraha Qaraxyadii dhacay
To Top