WARARKA SOOMAALI

Wasiirkii hore ee Amniga oo noqday Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka

Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, waxaa maanta lagu qabtay doorashada kursi kaas oo ka haray mid hore loo doortay, kadib markii doorashada kursigaas uu u baaqday qaraxyadii ka dhacay Magaalada oo ay ku dhinteen Masuuliyiin ay ka mid tahay Marxuumad Xil Aamino Maxamed Cabdi iyo Dad Shacab ah.

Doorashada Kursiga Hop#011, waxey ahayd mid ka duwan kuwii hore loogu qabtay Beledweyne, Maadama Ergada iyo Musharaxiinta kursigaan ay Madaxa ku soo wada xirteen maro gaduudan, taas oo muujineysa sida ay ugu murugsan yihiin Qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca badan geystay.

Wasiirkii hore ee amniga dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Xasan sheekh Maxamuud Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo markale ku tartamayay kursigaan Hop011 ayaa ku guuleystay.

Wuxuu Cabdirisaaq Cumar Maxamed helay Codad gaaraya 55 cod, halka musharixii la tartamayay Maxamed Cumar Barrow uu helay 46, sida ay ku dhawaaqeyn natiijada guddiga doorashada dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Wasiirkii hore ee Amniga oo noqday Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka
To Top