WARARKA SOOMAALI

Maxkamadda Ciidamada Galmudug oo xukunno kala duwan ku riddy Eedeysanayaal

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Galmudug ayaa maanta xukunno isugu jira dil iyo xabsi ciidan ku ridday Askar ka tirsanayd Ciidamada booliiska, xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Galmudug.

Maxkamadda ayaa dil ku xukuntay Ciid Cabdi Cali, Abshir Maxamuud Jaamac, Cabdi kaafi Cali Cabdullaahi, Cadnaan Cali Salaad iyo Maslax Cabdi Cumar, halka ay shan sano oo xabsi ciidan ahna ku ridday, Maxamed Qalinle Warsame oo lagu eedeeyay inuu qeyb ka ahaa dilka, Muxyaddiin Cabdullaahi Cali oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Raggan maanta la xukumay ayaa dhammaantood ka tirsanaa laamaha kala duwan ee ciidamada, kuwaas oo dilal ugu geystay magaalada Gaalkacyo dad rayad ah iyo xubno ka tirsanaa Ciidamada.

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ee Galmudug ayaa ugu dambayn sheegtay in ciddii aan ku qanacsanayn xukunka ay ka qaadan karto racfaan.

Maxkamadda Ciidamada Galmudug oo xukunno kala duwan ku riddy Eedeysanayaal
To Top