WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka hadlay sababta Madaxweynaha ugu guuray Wasaaradda Gaashaandhigga-Video+Warbixin

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay wado qorshaha dib u yagleelida iyo dhismaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, si labada sano ee soo socda amniga dalka ula wareegi lahaayeen.

Waxaa uu sheegay in qorshahaas uu haatan yahay mid socda, isla markaana uu marayo meel fiican, waxaana uu tilmaamay in Madaxweynaha uu hormuud u yahay dadaaladaas.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu u tagay Wasaaradda gaashaandhigga, ugana guuray xafiiskiisa ay tahay qorshaha dhismaha ciidanka, tirakoobka iyo qalabka ay heystaan.

“Madaxweynaha waxaa uu xafiiskiisa ugu guuray, oo uu u degay Wasaaradda Gaashaandhigga, la degan ciidanka, la seexda qolalka yar yar iyo teendhooyinka waa dhismaha, tirakoobka, iyo yagleelida ciidanka xoogga dalka”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in bisha soo socota wafdi uu hoggaaminayo ay shir uga qeyb geli doonaan magaalada Brussels ee dalka Belgium oo ku saabsan qorshaha la wareegida amniga, dib u yagleelida iyo dhisida ciidanka oo haatan mareysa meel fiican.

“Waxaa la isku raacay in la daradar geliyo dhismaha ciidanka, waxaa la isku raacay in dhismaha ciidanka uu yahay muhiimada koowaad ee dowladda, waxad ogtihiin in sanad ka hor idiin sheegay in dalkeena uu u baahan yahay in ciidan loo dhiso, sidaad ogtihiinba haatan dhismaha waa uu bilowday, waana wax ka go’an dowladda, sanad ka hor waxaan caddeynay in ciidanka Soomaaliya ay guud ahaan ammaanka Soomaaliya la wareegi doonaan, waxayna mareysaa meel fiican” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Ciidamada AMISOM ayaa qorshuhu yahay in labada sano ee soo socota lagu dhimo, isla markaana si tartiib tartiib ay Ciidamada xoogga dalka ay ammaanka ugala wareegaan goobaha ay baneeyaan.

SOMALI NEWS

To Top