WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo gaadhay Dalka itoobiya iyo ujeedka safarkiisa-Video

Muqdisho (Horuadhi News)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, iyadoo socdaalkiisa uu salka ku haayo arrimo kala duwan.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee Addis Ababa ayaa waxaa ku wehliya Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan iyo Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda, waxaana safarkan uu daba socda safar qarsoodi ahaa oo dhowaan ay ku tageen Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad iyo Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin oo la sheegay in loogu gogol xaarayay safarka Ra’iisul Wasaaraha.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la filayaa inuu la kulmo Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo xilka haya muddo labo bil.

Arrimaha ugu weyn ee la hadal haayo inay ka wada hadlayaan labada dowladood ayaa ka mid ah arrinta Heshiiska DP World ee Dekeda Berbera oo ay qeybta ka tahay Itoobiya, arrinta maamul goboleedyada oo ay dowladdu dooneyso inay culeysyo saartay, isla markaana yareyso galaan-galka badan ee ay maamulada u leeyihiin Itoobiya.

Xiriirka dowladda cusub ee uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed iyo dowladda Soomaaliya ayaa weli weji cusub yeelan, iyadoo Itoobiya ay galaan-gal badan ku leedahay arrimaha siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan maamul goboleedyada oo ay xiriir dhow la leedahay.

 

SOMALI NEWS

To Top