WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay inuu soo dhisi doono Xukuumad tayo leh-Video

Muqdisho (HM) Raysal wasaaraha Cusub ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo Maanta Baarlamaanku uu Codka siiyey ayaa soo bandhigay Qaar kamid ah Qorsheyaashiisa.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Raysal wasaare Roooble ayaa sheegay inuu soo magacaabi doono Xukuumad tayyo leh oo la jaanqaadaysa Marxada uu dalku Marayo.

Madaxwayne Farmaajo ayuu uga mahad celiyay inuu magacaabay Xilka Raysal wasaraaha ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Baarlamaanka ayuu uga mahad celiyey Codka Kalsoonida ee ay siiyeen, wuxuuna tilmaamay inuu sidoo kale filayo inay inay codka Siiyaan Xukuumadda uu soo dhisi doono.

Shacabka Soomaaliyeed ee taageerada u muujiyey ayuu ugu dambayn u mahad celiyey Raysal wasaare Rooble.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top