WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Deni oo gaadhay Baydhabo & Wadahadalo u furmaya labada maamul gobaleed-Video+Sawiro

 Baydhabo (HM)-Madaxweynaha Maamul gobaleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa galabta si weyn loogu soo dhoweeyay magaaladda Baydhabo-Janaay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Ambs Cali Siciid Fiqi, Goleyaasha Dowladda, saraakiil ciidan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Baydhabo ayaa Deni iyo wafdigiisa kusoo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee Shaati-gaduud.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Laftagareen oo soo dhaweynta kadib u waramay warbaahinta ayaa sheegay in wada-xaajoodyada ay yeelanayaan ay ku xoojinayaan iskaashiga taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dowladood.

Dhankiisa, Deni oo carabka ku dhuftay in iskaashiga Puntland iyo Koonfur Galbeed uu ahaa mid soo jireen ah ayaa hoosta ka xariiqay in ay kulamadooda ay ku lafa-guri doonan sidii loo adkeyn lahaa.

Intii uu shirka jaraa’id ku guda jiray, Deni ayaa ka dhawaajiyey in qodobada ay iska kaashanayaan ku saleynayaan geedi u socodka dowladnimada Soomaaliya.

Bishii May, 2019 ayay ahayd markii shir ay ku ku yeesheen Baydhabo madaxda Puntland, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle ku yeesheen Garowe ay isla meeldhigeen in ay iska kaashadaana arrimo kala duwan.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top