WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Itoobiya oo booqashadiisa u horeysay ee dibadda ah ku tagay Jabuuti-Video

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay dalka Jabuuti, taasoo ah booqashadii u horeysay oo dibadda ah, tan iyo markii dhowaan loo magacaabay xilkan.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ah mid ballaaran oo ay qeyb ka yihiin Wasiiro ka tirsan xukuumaddiisa iyo qaar ka mid ah Madaxweynayaasha dowlad deegaanada Itoobiya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Mr Abiy Ahmed ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana loo sameeyay soo dhoweyn heerkeedu sareysay.

Itoobiya iyo Jabuuti ayaa ah labo dal oo deris ah ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir wanaagsan iyo iskaashi istiraatiijiyadeed, waxaana labada dal ay dhowaan hirgeliyeen qad tareen oo isku xira labada dal.

SOMALI NEWS

To Top