WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Ra’iisul Khayre oo maanta booqday Xerada lagu tababaro Ciidamadda Kamandooska Soomaaliya-Video+Warbixin

Muqdisho (Horufadhi News)-Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre,ayaa maanta booqasho ku tagay Xarunta tababarka ciidamadda sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaan Danab ay ku leeyihiin garoonka diyaaraaha Balli-doogle halkaas oo ay gacanta ku hayaan saraakiil Mareykanka.

Booqashada R/wasaare Kheyre uu ku tagay xerada ciidanka ee ku taala degmada Balli-doogle waxaa ku wehlinayey Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali, Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka S/guuto Cabdullaahi Cali Caanood iyo masuuliyiin kale.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ra’iisul wasaaraha ayaa kadib markii uu booqday xerada ciidanka ee Balli-doogle waxa uu xariga ka jaray qeyb cusub oo dhismo ah oo lagu kordhiyay xarunta tababarka ciidamada kumaandooska Soomaaliya.

Ugu dambeyn Ra’iisul wasaaraha iyo masuuliyinta kale socotay ayaa waxa ay mid mid ay u kormeereen dhammaan qeybaha ay ka kooban tahay xerada ay dagan yihiin ciidamada Soomaalida ee deegaanka Ballidoogle.

Degaanka Balli-doogle ayaa ah aag Milateri oo ay ku yaalaan xerooyin ciidan kuwaas oo qeyb qeyb ay u kala dagan yihiin Ciidamada nabad ilaalinta ujooga Soomaaliya ee AMISOM, kuwa Kumaandooska Soomaaliya iyo Ciidan Mareykan ah oo aan illaa iminka si rasmi ah loo ogeyn tiradooda.

SOMALI NEWS

To Top