WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Puntland oo ku baaqday in la sameeyo Hanaan garsoor oo Federaal ah-Video+Warbixin

Garoowe (Horufadhi News)-War-murtiyeed ka soo baxay shirkii Golaha wasiiradda Maamul Gobaleedka  Puntland Khamiista maanta ah, ayaa markale lagu sheegay in Somaliland cabbudhin iyo xadhig joogto ah ku hayso shacabka magaalada Laascaanood,islamarkaana ay qaadayso mas’uuliyadda dhibaatada loo geystay bulshada reer Laascaanood.

Golaha Xukuumadda, ayaa sidoo kale Dadweynaha reer Puntland u sheegay in lagu soo duulay dalkooda iyo jiritaankooda loona baahanyahay in ay is garab taagan Dowladooda iyo ciidamadooda u diyaarsan difaaca dalka.waa sida uu u dhignaa warmurtiyeedkuye!.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dhinaca kale shirka Golaha wasiirada Puntland ayaa looga hadlay isla markaana ay si weyn u faaqideen ,hannaanka caddaaladda Dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaana qoraalka ka soo baxay Golaha Wasiiradda Puntland lagu sheegay, in loo baahanyahay,hannaan garsoor Federaal ah oo abuuraya heerar maxkamado kala qeexaya,awoodaha Federaalka iyo Dowlad goboleedyada dalka.

Warkan kasoo baxay maanta Golaha Wasiiradda Puntland oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa kusoo beegmaya xili ay xaaladda colaadeed ee u dhaxaysa Maamuladda Puntland iyo Somaliland meel xasaasi ah marayso isla markaana uu socdaal ku joogo Buuhoodle Madaxweyne ku xigeenka Puntland Camey oo halkas ugu sheegay eer Buuhoodle in uu ka doonayo oo kaliya maanta awood Ciidan.

Halkaan ka akhriso War-murtiyeedka.

SOMALI NEWS

To Top