) Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo kormeer shaqo ku tagey xarunta Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe ayaa sheegay in xukuumaddu ay sanadkan xoogga saartay isla-xisaabtan iyo daah-furnaan.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Khayre waxuu rajo ka muujiyey sanadka soo socda ee 2018 Soomaaliya inay u noqon doonto mid ay ka gudubto musuqmaasuqa ragaadiyey sanooyinka badan, isla markaana la gaari doono nidaam ku dhisan isla xisaabtan sharcigu sareeyo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dar-daarmay Wasaaradda Maaliyadda in lasii xoojiyo qorshaha la dagaalanka musuq-maasuqa. Iyadoo ay Kormeerkan Ra’iisul Wasaaraha ku weheliyeen xubno ka tirsan golleyaasha dawladda.
