Qatar Iyo Suudaan waxay wada saxeexanayaan heshiis lagu dhisayo dekadda ugu weyn badda Cas oo lagu dhisayo qiime dhan 4 Bilyan oo dollar , waxaana la balaadhinayaa Gasiiradda Sawaakin, waxaana iyaguna ka qayb qaadanaya dawlada Turkiga.
Suudaan waxay yeelan doontaa 51%, Qatarna 49% waxaana qorshuhu yahay in laga dhigo goob Afrika adeeg jaban loogu fuliyo, loolankan ka jira xeebaha badda Cas iyo Badweynta Hindiya ee u dhaxeeya dalalka Carabta ayaa sii xoogaysanaya, Jabuutina waxay iib u dhigtay qaybtii dekadda Dooraale ay ku lahayd shirkadda Dpwold, si loogu celiyo dhaqaalihii Imaaraadka ka galay Dekadda Dooraale.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
