WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Puntland oo shir deg deg ah ka yeelatay xaalad adag oo ka taagan Gobalka Bari-Video

Puntland ayaa shir degdeg ah ka yeelatay musiibada ka dhalatay duufaanta GATI oo ku dhufatay Gobolka Bari, iyadoo ay isisoo tarayaan khasaaraha kala duwan ee ka dhashay.

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland Axmed Karaash ayaa shir-guddoomiyay shirkaan oo la isugu yeeray dhammaan wasiiradda iyo hay’adda musiibooyinka, si looga tashado sidiii gurmad degdeg ah loogu fidin lahaa dadkii ay dhibaatadu soo gaadhay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxaa lagu wadaa inuu madaxweyne ku xigeenku magacaabo guddi wasiirro ah oo loo xilsaarayo sidii ay ugu kuurgali lahaayeen wax ka qabashada xaaladda biniaadanimo ee ka jirta degaanada ay waxyaaladu gaarsiiyeen duufaanta iyo roobka.

Maamulka Puntland wuxuu sheegay in 7 qof oo u dhashay dalka Yemen ay ku dhinteen duufaanta, kuwaas oo ahaa kalluumaysato Yemeniin ah badda ku jiray xilliga duufaanta.

Sidoo kale, magaalooyinka Xaafuun iyo Hurdiya oo katirsan gobolka Bari, ayay duufaantu u geysatay khasaare xoogan, iyadoo dumisay guryo iyo waddooyin muhiim ahaa. 

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top