WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Gantaallo culus oo markale lagu garaacay deegaanka Axmaarada-Video

Jigjiga (HM) – Waxa subaxnimadii saaka magaalada Bahirdar ee caasimada gobolka Amxaarada laga maqlay qaraxyo xoogan oo ka dhashay gantaalo lagu soo tuuray, sida ay ku warantay idaacada BBC-da.

Gantaalahaasi oo looga shakisan yahay inay ciidamada TPLF ku garaaceen gobolka Amxaarada, ayaa si weyn looga dareemay jugtooda, iyada oo shacabka ku nool caasimada ku abuurtay argagax hor leh.

Dhawaan ayey aheyd markii sidan oo kale habeenim dhowr gantaal lagu garaacay caasimada gobolka Amxaarada ee Bahirdar, xili uu sii xoogeysanayo dagaalka Tigrayga iyo dowladda federaalka.

Gantaalada ayaa waxa tuuray dagaalyahano ka tirsan maamulka TPLF oo dagaal xoogan kula jira xukuumadda Abiy Axmed, sida ay dhawaan baahisay warbaahinta gobolka Amxaarada.

Weerarka gantaalaha ee lagu qaaday caasimada gobolka Amxaarada ayaa noqonaya midkii saddexaad ee lagu qaado, tan iyo markii uu bilowday dagaalka Itoobiya ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulka Tigrayga.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxa sii xoogeysanaya dagaalkaasi, iyada oo maamulka TPLF uu ka biyo diiday inay isku dhiiban dowladda federaalka Itoobiya, oo xiligan sheegatay inay muddo badan ku qaadaneyn inay qabsato caasimada ismaamulkaasi.

Xukuumadda Itoobiya ayaa guulo waaweyn ka sheegatay dagaalka Tigrayga, iyada oo maalmihii u dambeeyay qabsatay magaalooyin muhiim ah, taasi oo ay ugu dambeysay magaalada Idaga oo 97-km u jirta caasimada Mekelle ee maamulka Tigrayga.

SOMALI NEWS

To Top