WARARKA SOOMAALI

DAAWO: MW Xasan Sheekh oo mar kale ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah AS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyey shir aan caadi ahayn oo ay yeesheen Guddiga Amniga Qaranka ayaa shacabka Soomaaliyeed la wadaagay farriin ku saabsan xaaladda amni ee dalka iyo qorsheyaasha dowladda ee dabar-goynta argagixisada Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay diyaar garoowga uu bilaabay tan iyo markii uu xilka yimid, kaas oo ku aaddan xoreynta deegaannada ay haystaan argagixisada Alshabaab iyo in dagaal joogto ah lagu qaado cadawgan duullaanka ku ah nabaddeenna, dowladnimadeenna iyo madaxbannaanideenna.

“Waxaa naga go’an in aan  argagaxisada dhibaatada ku ah shacabkeenna awood-tirno, ilaa laga xoraynayo dhammaan deegaannada ay xoogga ku haystaan. Qorshahaasi waa mid fulintiisa iyo diyaargarawgiisu ay socdaan, waa qorshaha mudnaanta koowaad u leh dowladdeenna”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in Hadafka ugu weyn ee argagixisada Alshabaab ay ka leeyihiin weerarrada gaadmada ah ee ay ku beegsanayaan goobaha ay shacabku isugu yimaadaan ay tahay in la niyad-jabiyo dadka Soomaaliyeed, dowladdana laga mashquuliyo qorsheheeda xoreynta dalka.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA MW

DAAWO: MW Xasan Sheekh oo mar kale ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah AS
To Top