WARARKA SOOMAALI

Shirkii u socday Golaha Wasiirada Soomaaliya oo lasoo gaba-gabeynayo

Waxaa Maanta lagu wadaa in Magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyo Shir shalay Golaha Wasiirada Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uga furmay Muqdisho, kaasi oo loo qorsheeyay inuu laba maalin oo kaliya.

Shirka ayaa waxaa lagu lafa-gurayaa howllaha mudnaanta u leh xukuumadda Dan-Qaran iyo habka loo xoojin karo wadashaqeynta wasaaradaha iyo hay’addaha kala duwan ee dowladda.

Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo furay shirkan ayaa dardaaran u jeediyey xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya oo uu ugu baaqay inay la yimaadaan waxqabad muuqdo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale tilmaamay in ka xukuumad ahaan ay mas’uuliyad ka saaran tahay dalka, loona baahan yahay in xubnaha goluhu la yimaadaan waxqabad iyo howl wanaagsan.

Shirkii u socday Golaha Wasiirada Soomaaliya oo lasoo gaba-gabeynayo
To Top