WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo gaaray Magaalada Baladweyne iyo ujeedkiisa

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif kusoo dhoweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Xubno isugu jiray labada gole ee dowladda, Maamulka Gobolka Hiiraan, kan degmada Beledweyne, Saraakiisha Hay’addaha amniga, Saraakiisha Ciidamada Hiilwalaal, iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn u mahadceliyay Masuuliyiinta kala duwaneyd iyo bulshadii qiimaha badaneyd ee kusoo dhoweeysay Magaalada Beledweyne waxa uuna sheegay in maalmahaan uu socdaalo shaqo ku marayay degmooyinka Gobolka Hiiraan ee ay ka socdaan howlgalada baahsan ee lagula dagaalamayo  kooxaha argagixisada, waxa uuna tilmaamay  in uu u kuurgalayay xaaladaha nololeed ee ka jira degmooyinka Buulo Burde, Maxaas iyo Matabaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in maanta diyaarado sida gargaar ay soo gaarayaan Magaalada Beledweyne sidoo kalana ay berri labo diyaaradood oo gargaar sida ka dagi doonaan Degmada Buulo Burde, deeqdaas gurmadka ah oo lagu caawin doono dadka ay saameeyeen abaaaraha.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa shacabka reer Hirshabeelle ugu baaqay inay ka qeybgalaan Howlgalada lagu baacsanayo kooxaha argagixsada ah ayna la shaqeeyaan Ciidamada.

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo gaaray Magaalada Baladweyne iyo ujeedkiisa
To Top