WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Muuse Biixi oo xamili waayey kacdoonka Laascaanood kaga socda iyo fariinta uu Puntland u diray-Video

Hargeisa ( HM ) Madaxwaynaha Somaliland Muuse biixi Cabdi oo Caawa ka hadlay Munaasibad lagu qabtay  magaalada Hargeisa ayaa Puntland oo horay dagaalo u dhexmareen Somaliland ugu baaqay Nabad ku wada Noolaansho.

“Puntland iyo Madaxdeeda waxaan ugu baaqayaa Nabad iyo walaalnimo, waxaan rajaynayaa inaan Khilaaf dambe dhexdeena ka dhicin.

“Waxaan diyaar u nahay inaanu sii dayno Maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Tukaraq, iyaguna ay dhankooda soo daayaan  Waxa ay naga hayaan, waxayna noqonaysaa Tallaabadii ugu horaysay ee loo qaaday Nabadda” Ayuu yidhi muuse Biixi.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Puntland iyo Somaliland ayaa dagaalo Qadhaadh dhexmareen, Dhowr jeer, waxaana jira xiisad dhowaan kasoo cusboonaatay Qaybo kamid ah sanaag oo Ciidanka Somaliland Fadhiisin ka samayteen, sidoo kale Xukuumaddii C.wali gaas ayay dagaalo kula galeen  Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Warkan kasoo yeedhay Madaxweynaha Maamulka Soomaliland Korneyl Muuse Biixi ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xili xiisad culus iyo Kacdoono huursan ka abaabulmeen Gobalada SSC gaar ahaan Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobalka Sool ,taas oo keentay in shalay 18 may Ciidamada Maamulkaasi ay go,doomiyaan magaalada si ay u xakameeyaan kacdoono xoogle oo ka dhan ah maamulka afduubka ku maamulayey deegaanadaas mudada dheer.

SOMALI NEWS

To Top