WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Gobalada Waqooyi ee Calanka Soomaliya Hiilka ka helay iyo fashilka ictiraafka Soomaliland-Video

Muqdisho ( HM) Waxaanu Halkan idiinku soo gudbinaynaa Warbixin gaar ah oo lagu Lafa-guray   Gobolada Waqooyi [ Somaliland ] iyo Sida isbadalka xoogan uu doorkan ugu yimid 18-May, Iyadoo SHacabku ay meel adag ka istaageen.

Magaalooyinka Ceerigaabo, Laascaanood iyo Burco ayaa Muuqaalo lasoo bandhigay waxay shacabku ku muujinayaan dareenkooda, waxayna dusha ku wataan calanka Soomaaliya.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu xusayaa in Magaalada Burco oo la sheego inay ahayd halkii looga dhowaaqay 18-May ay dadkeedu diideen in laga taago calanka Somaliland, sida uu sheegay masuul ka hadlay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin oo Dhankiisa ka hadlaya Kacdoonka Bulshada, isagoona ka digaya inay Bulshadu lasoo baxdo calankii Soomaaliwayn.

Prof. Axmed Samatar oo horay usheegay inaan la qaadan Karin 18-May islamarkaana Bulshadu u baahan tahay inay Hurdada ka toosto, “Aabahay miyaan dhali karaa ? Waxaa mudan 26-June “ ayuu leeyahay Samatar, Waxaa sidoo kale Warbixinta lagu xusayaa    Barnaamijkii Dr. Galaydh iyo Samatar ay Mudooyinkii dambe wadeen.

Waxaa sidoo kale Barnaamijka lagu soo qaatay Warbixino ka baxay Telefishinada gudaha, kuwaasi oo baahiyey sida bulshadu uga Rajjo dhigtay 18-May.

SOMALI NEWS

To Top