WARARKA SOOMAALI

Muuse Biixi oo tagay garoonka Ciyaaraha xili shalay rabshado dhiig ku daatay ka dhaceen-Video

Laascaanood ( HM)-Madaxwaynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Booqday Garoonka Ciyaaraha ee magaalada Hargeisa.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Biixi wuxuu ka hadlay sida ay markii hore ciyaaruhu u bilowdeen, isagoona xusay inay Sumcad iyo wanaag usoo hooyeen, Balse wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay Rabshadihii shalay ka dhacay Garoonka.

“Waxaan ka xumahay shalay wixii dhacay, Waxaan Alle uga baryayaa Caafimaad dadkii ay wax kusoo gaadheen, Nasiib darro ciyaarta oo Wacnayd waxaa xumeeyay Caadifad dhalinyaro-nimo, Qofkasta oo daawanayey wuu la yaabay, Balse Dhalinyaro-nimo ayaa Qaaday”. Ayuu yidhi Muuse Biixi.

Dhinaca kale Muuse Biixi ayaa ka hadlay Warbaahinta Arinta Ciyaarta u dhigay Dhinaca Qabiilka, Wuxuuna uga digay inay san Bulshada dhibaato ku dhex Abuurin.

Garoonkan ayaa maalintii shalay waxaa ka dhacay Gacan hadal iyo Rabshado ka dhashay Ciyaar halkaasi ku dhexmartay Laba Xul oo kala Metalayey Oodwayne iyo Baligubadle.

Ciyaarta ugu dambaysa waxaa isku wajihi doona Xululka Daad Madheeh iyo Maroodijeec oo maanta Koobka ka reebtay Gabiley.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top