WARARKA SOOMAALI

Axmed Madoobe iyo Deni oo ilaa hadda aan soo gudbin guddiyada doorashada ee Federaalka-Akhriso

Muqdisho ( HM )-Dowlad Goboleedyada Koofur Galbeed, Hir-Shabeelle iyo Galmudug ayaa soo dhameystiray Guddiyada xalinta Khilaafaadka iyo Doorashada 20/21 ee ka dhashay heshiis siyaasadeedka DFS iyo  Maamul goboleedyadda dhexmaray Bilihii September iyo October 2020.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in maamulada Puntland iyo Jubbaland ay ka war-dhowrayaan halka ay ku biyo shubato doodda ka taagan guddiga la magacaabay oo xubnaha mucaaradka ah ay sheegeen in laga soo dhex xulay Hay’adda Nabadsuidda iyo Madaxtooyada.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay in DG Puntland & Jubbaland Laga sugayo soo gudbinta xubnahaas, balse ma uusan shaacin sababta keentay in muddo intaas la eg laga sugo.

Waqti cayiman oo ugu dambeyn laga sugayo Puntland & Jubbaland soo gudbinta xubnaha Guddiga ma muuqda mana la shaacin, waxa ay taasi keentay shaki kale oo la xiriira aamusnaanta iyo soo gudbin la’aanta guddiga laga doonayo.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in Madaxda Puntland iyo Jubbaland aysan la dhacsaneen tuhunka soo baxay ee hareeray guddiyada kale ee la magacaabay, maadaama Xisbiyada mucaaradku ay sheegeen in laga gudbay xeen-daabka madax bannaanida magacaabista Guddiga oo Hay’adda Sirdoonka xubno katirsan lagu daray qaybta doorashada, halka Xukuumadda Gaashaanka ay ku dhufatay warkaas.

Maamulka Jubbaland waxay liiska dhaqangelinta soo gudbinta magacyada 4-xubnood ee guddiyada xalinta khilaafaadka iyo doorashada lasoo gashay Koofur Galbeed, kamana tallaabin 10-ka cishe ee loo qabtay oo ah 10-ka ilaa 20-ka October 2020.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top