WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Muuse Biixi oo ku hanjabay inuu Cagta marin doono Beel degta Gobalka Sanaag-Video

Hargeysa (HM)-Muuse Biixi oo maanta ka hadlayey magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu ka hadlay Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Soomaliland oo lagu toogtay maalmihii lasoo dhaafay deegaanka Ceel-Aweyn.

Muuse Biixi ayaa waxaa uu sheegay hadal u muuqada mid cadho ka muuqato isla markaana loogu hanjabayo dadka deegaankaas oo uu sheegay in dulqaadkii ka dhamaaday isla markaana ay ka suurtowdo inay gacan bir ah ku qabtaan dadka shacabka ah ee deegaankaas.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Muuse Bixi Cabdi Madaxweynaha Maamulka Soomaliland ayaa si kulul ugu hanjabay Beelaha dega Bariga Gobalka Sanaag oo uu sheegay in la awoodo in gabi ahaantoodba Cag la saro kadibna dhulka lala simo balse caqligu uusan saas odhanayne nabad wax lagu raadinayo hase ahaatee wuxuu sheegay in hadii ay sidan sii socoto oo la beegsado ciidanka maamulka Soomaliland ay imaanayso in Gacan bir ah wax lagaga qabto dadkaa.

 

SOMALI NEWS

To Top