WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Korneyl Caarre oo ka hadlay Dagaalka uu kula jiro Soomaliland iyo Qorshihiisa-Video

Ceerigaabo ( HM ) Col. Siciid Cawil Jaamnac Caarre oo hogaaminaya jabhadda Dulmi diid ee dagaalka kula jirta Somaliland ayaa Waraysi uu bixiyey wuxuu uga hadlay Arimo kala duwan iyo dagaalkii ay la galeen Ciidamada Somaliland.
Kornayl Caarre ayaa sheegay inuu gaadiid dagaal ka gubay Somaliland, isagoona guulo ka sheegtay dagaalkii ka dhacay deegaanka Tabca ee hoostagta degmada Cerigaabo, Wuxuuna sidoo kale xusay inuu khasaare soo gaadhay dhankooda.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Caarre ayaa ku dheeraaday Waxa ay salka ku hayso Xiisada u dhaxaysa kala dhaxaysa Somaliland, Wuxuuna sheegay inuu dagaalku socon doono, Wuxuuna Waxba kama Jiraan ku tilmaamay Wadahadal la sheegay inuu la geli doono Somaliland “Anigu wada hadal ma ogi, waxaan ogahay oo keliya duulaan la igu soo qaaday, hadii la joojin waayo dhimashadu way badan doontaa”. Ayuu yidhi.

Xal iyo Nabad sida lagu heli karo ayuu sheegay inay tahay inay dhacayso marka Qofkasta Xaqiisa loo helo.

SOMALI NEWS

To Top