WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Muuse Biixi oo kulan la qaatay Culimadda Soomaliland,kana hadlay Dagaalka Tukaraq iyo Colaada Ceel-afweyn-Video

Hargeysa (Horufadhi News)-Madaxweynaha maamul Gobaleedka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan la yeeshay Culimada Somaliland, Wuxuuna ka hadlay arimo kala duwan oo ay ka mid tahay Xiisada dagaal ee kala dhaxaysa Puntland iyo Colaada deegaanka Ceel-afweyn ee soo laab laabatay inta badan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wuxuu sheegay inay Tukaraq ka tirsan tahay gobolka Sool, Wuxuuna sheegay inaanu ku Xadgudbi doonin Reer Garoowe, Wuxuuna sheegay inuu arintaasi ka joogo in dagaalka la joojiyo oo Xal Nabadeed laga gaadho.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay Xiisada Colaadeed ee ka taagan deegaanka Ceel-afwayn, Wuxuuna Culimada ka codsaday inay soo diyaariyaan Cidii uga Qayb geli lahayd.

SOMALI NEWS

To Top