WARARKA SOOMAALI

Daawo- Muuse Biixi oo bahdiley Khaatumadii diidey inay dadkooda la tashadanaa Xaglatosiye iyo Bashe oo la yidhi la hadla-Video.

Wada hadaladii Khaatumo iyo Somaliland ayaa waxa hadheeyey ceebo badan ka dib markii Muuse Biixi uu si weyn u wiiqey maamulkii Khaatumo oo noqday mid guud ahaanba dadkiisii ka dhexbaxay isla markaana gacanta u galay Hargaysa, Muuse Biixi ayaa siyaasaddiisa curyaaminta ah ee Mweyne Ali Khaliif kaga horkeenay dhamaan dadkiisii, markuu cidlo taagayna wuxuu yidhi Xaglatoosiye iyo baashe Ali Jaamac ayaa idin la hadlaya, oo labaduba ah laba nin oo ka soojeeda deegaanka horeyna loogu sheegay rag shaqo tagay. Qorshahan ayaa maamulka Somaliland oo hada uu xukumo Muuse Biixi oo kaashanya Eedadiis Aamino Weris waxay degeen markii ay goo gooyeen Khaatumo ayadoo la sheegay in kooxaha Buuhoodle ku hardamaya qaarkood Maxamuud Xaashi iyo Muuse Biixi ay lacag u direen si loo wiiqo awooda Ali Khaliif, sidoo kalena Baashe M Cadde ayaa loo direy beeshiisa Bahararsame si uu ugu sheego inay kulmiye doortaan, balse waxaa waxkasta isbedeleen markii gudoomiyaha barlamaanka Khaatumo cadeeyey sida Maxamuud Xaashi iyo Muuse Biixi dhaqalaha ugu bixinayaan burburinta Buuhoodle iska horkeenka Khaatumo, waxana shalay laba shiroo iska iska horjeeda lagu qabtay Buuhoodle.

HALKAN KA DHEEHO Baashe iyo Xaglatoosiye oo la wareegay wadahadladii

Reer Khaatumo ayaa ku jaha wareeray wada hadalada oo laga duwey qaabkeey ku socdeen iyo sidoo kale odayaal iyo Madaxdhaqameed Somaliland ku xidhan oo hadana wada hadalada diidan kuwaasoo dhamaantood muujinaya in Dhulbahantuhu is diidan yahay balse aysan Somaliland diideyneen.

[email protected]

SOMALI NEWS

To Top