WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Midowga Musharaxiinta oo War kasoo saaray Go’aankii RW Rooble

Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay go’aanka Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble shaqada kaga joojiyey Agaasimaha Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Golaha ayaa go’aankaas ku tilmaamay mid fure u noqon doona caddaalad ay helaan qoyska Ikraan Tahliil oo la afduubay lana dilay, wuxuuna Goluhu ka horyimid warqadda ka soo baxday Madaxweyne Farmaajo oo lagu buriyay go’aankii Ra’iisul wasaare Rooble.

“Goluhu wuxuu u arkaa qoraalka ka soo baxay Maxamad C/laahi Farmaajo oo ah Madaxweyne xilkiisu dhamaaday mid lagu carqaladeynayo cadaalad u raadinta qoyska Ikraan Tahliil, lagu qalqal gelinayo amniga dalka iyo kan doorashooyinka”. ayaa lagu yiri War-saxaafadeed ka soo baxay Midowga Musharrixiinta.

Sidoo kale, waxay sheegeen in Ra’iisul wasaare Rooble uu masuul ka yahay amniga dalka iyo kan doorashooyinka, isla markaana Goluhu ku garab taagan yahay go’aanka uu cadaaladda ugu raadinayo ehelka Ikraan Tahliil.

RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO

SOMALI NEWS

To Top