WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Madaxweyne Farmaajo oo ka horyimid xilka qaadistii Fahad Yaasiin

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sharci daro ku tilmaamay xil ka qaadistii Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble xalay ku sameeyay Taliyihii Hay’adda NISA Fahad Yaasiin.

Qoraal kasoo baxay Madaxweyne Farmaajo ayuu ku diiday xil ka qaadista lagu sameeyay Fahad Yaasiin waxa uuna amray taliyaha in shaqdiisa sii wato uuna warbixinta Kiiska Dilka Ikraan Tahliil horkeeno golaha amaniga Qaranka.

Farmaajo ayaa Hay’adda Nabadda Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka faray in ay horkeento Golaha Amniga Qaranka warbixinta laga sugaayay marka la muddeeyo kulanka ugu horreeya ee Golaha Amniga Qaranka.

 Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Xukuumadda la dalbaday in ay si hufan u gutaan masuuliyadda ka saaran dhammeystirka hawlaha doorashooyinka.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

SOMALI NEWS

To Top