WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Meydka Wiil Soomaaliya oo lagu aasay London kadib markii dhawaan kooxo Hubeysan ku dileen halkaas iyo Soomaalida Waddankaas oo ka walacsan-Video

Waxaa magaalada London ee dalka Ingiriiska lagu aasay Alle ha u naxariistee Meydka Marxuum Saadaq Maxamed Aadan oo ka mid ahaa Labo Wiil Soomaaliyeed oo dhawaan lagu dilay magaalada London.

Aaska ayaa waxaa ka qeyb galay Waalidiin aad u fara badan oo Wajiyadooda ka muuqatay murugo iyo Tiiraanyo ku aadan dilalka Wiilashada dhaliyarada ah ee loogu geysanayo London oo aanay jirin cid loo soo qabto.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waalidiin badan oo goobta ka hadlay ayaa tacsi ka dib waxay sheegeen in marar badan sidan oo kale carruurtooda loogu dilay magaalada London,waxayna wallaac ka muujiyeen dilalka oo sii kordhaya.

Dadkii ka soo qeyb galay Alle ha u naxariistoo aaska Saadaq Maxamed Aadan ayaa ugu baaqay Dowladda Ingiriiska iney ilgaar ah ku eegto Carruurta Soomaaliyeed ee la iska dilaayo bilaa micno daro.

SOMALI NEWS

To Top