Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa hoyga uu ka deggen yahay ku qaabilay Safiirka dowlada Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Cabdifataax Cabdulaahi Xasan.
Kulanka dhexmaray Madaxweyne Cabdicaiis Lafta-gareen iyo Safiir Cabdifitaax ayaa waxaa looga wada hadlay xoojinta iskaashiga iyo howlgalada lagu Ciribtiraayo Al-shabaab.
HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Safiirka Itoobiya u jooga Soomaaliya uga mahadceliyay xoojinta xiriirka ka dhexeeya dowladda Federaalka iyo Itoobiya.