WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Guddoomiyaha Maxkamadda Somaliland iyo Guddiga Doorashada oo kulmay


Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Maxamed Axmed Bulxan ayaa kulan la qaatay Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka Somaliland, kaasi oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii loo dardar-gelin lahaa doorashooyinka ka dhacaya deegaanada Somaliland, isla markaana Maxkamadda iyo Guddiga iska kaashadaan howlaha Culus ee la galayo.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Bulxan ayaa Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka faray inay dhex-dhexaad ka noqdaan Arrimaha doorashada, wuxuuna u sheegay in Maxkamadda diyaar u tahay wax kasta oo Cadaalad.

SOMALI NEWS

To Top