WARARKA SOOMAALI

DEG DEG:-Heshiis laga gaaray Dagaal lagu hoobtay oo ka dhacay Hiiraan


Heshiis hordhac ah ayaa Maanta oo talaado ah laga gaaray dagaal u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo maalmihii lasoo dhaafay ku dagaalamayay deegaano hoostega Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Heshiiska ay wada gaareen beelaha ayaa waxaa ku jira in la kala qaado maleeshiyaadka labada dhinac ee is hor-fadhiyay, isla markaana deegaankii sida gaarka ah la isugu haayay aysan cid dhisan karin.

War-saxaafadeed laga soo saaray kulamo dhexmaray Odayaasha iyo Waxgaradka beelihii dagaalamayay ayaa waxaa lagu sheegay in heshiis hordhac ah looga gaaray Colaadii khasaaraha badan geysatay ee ka dhacday Hiiraan.

Heshiiska ay gaareen beelihii maalmihii lasoo dhaafay ku dagaalamayay deegaano hoostega Magaalada Baladweyne ayaa waxaa garwadeen ka ahaa wafdi ka socday dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Hirshabeelle.

SOMALI NEWS

To Top