Muwaadiniinta Maraykanka ah ee ku sugan Muqdisho ayaa waxaa loo ga digay in ay ka ag-dhawadaan goobaha ay musharixiinta u qorsheeyeen ay ka dhacaan bannaanbaxyo nabadeed oo looga soo horjeedo Dowladda Federaalka.
Qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykan ee Soomaaliya ayaa digiin culus loogu jeediyay Muwaadiniinta u dhashay dalkaasi, waxaana looga digay in ka ag-dhawaadaan Bannaanbaxa la filayo in u ka dhaco muqdisho.
Safaaradda Dalka Mareykanka ayaa sidoo kale muwaadiniinteeda u jeedisay talooyin ay ka mid yihiin inay ka fogaadaan goobtaasi lagu bannaanbixi doono, waxaana laga cabsi qabaa rabshado in ay ka dhashaan bannaanbaxa.
Halkaan riix si aad u daawato Muuqaalka
