WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Madaxweyne Farmaajo oo khudbad xasaasi ah ka jeediyey Shirka Jabaan-Video

Muqdisho (HM)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Shirka Nabadda iyo Xasilloonida Geeska Afrika ee qeybta ka ah fadhiyada Madasha Iskaashiga waddamada Afrika iyo Japan (TICAD) ayaa soo bandhigay fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee ka jira guud ahaan dalalka Geeska Afrika.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in lagu garab istaago waddamada Geeska Afrika qorsheyaashooda horumarineed, laguna dhiirri geliyo tallaabooyinka hor-u-socodka ah ee ay qaadeen oo salka ku haya daris-wanaagga, iskaashiga iyo isku duubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Waxaan si cad u qeexayaa in qorshaheenna muddada fog uu ku qotomo sidii aan mar labaad u soo celin lahayn kaalinta uu dalkeennu ku leeyahay Geeska Afrika, arrinkaas oo aan ka sameynay bilow fiican kaddib markii aan hormuud ka noqonnay dadaalladii dib u heshiisiineed iyo iskaashiga saddex geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya.”

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si gaar ah ugu soo dhaweeyey fadhigan wafdiga dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo ka soo qeyb galay shir-doceedkan ku saabsanaa arrimaha Geeska, isagoona adkeeyey doorka wax-ku oolka ah ee dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ay ku leeyihiin dhaqaajinta hayaanka horumarinta Gobolka.

Fadhigan gaarka ah waxaa si wadajir ah u guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raiisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya Abiye Axmed, waxaana ka soo qeyb galay Raiisul Wasaaraha Dalka Japan Shinzo Abe, Guddoomiyaha Midoowga Afrika Mussa Faqi, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres, Madaxweyne Kuxigeenka Dalka Koonfurta Suudaan James Wani Igga, Wasiirrada Arrimaha Dibadda dalalka, Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, Ereteriya Cusmaan Saalix, Kenya Marwo Monica Juma, Madaxda Hay’adaha Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo daneeyeyaasha gobolka, maalgashadeyaal caalami ah iyo khuburo dhaqaale oo lagu marti qaaday Madasha.

SOMALI NEWS

To Top