WARARKA SOOMAALI

Daawo Donald Trump oo Farmaajo ka codsaday inuu yimaado Aqalka Cad ee Maraykanka +Video

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi “Farmaajo” oo ku sugan dalka Boqortooyada Sucuudiga ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaraddaha Ciidamada Cirka ee Boqor Salmaan, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin sar sare oo uu ka mid ahaa ku xigeenka Amiirka Gobolka Riyaad Amiir Maxamed Ibnu C/raxmaan Bin C/casiis, kadibna waxa uu Qasriga Boqortooyada ku qaabilay Boqorka Dalkaasi Boqor Salmaan, waxayna si weyn iskula soo qaadeen Xiriirka fog ee ka dhaxeeya labada Dal ee Walaalaha ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa halkaasi u tegay si uu uga qeybgalo shirka Madaxda dalalka Islaamka iyo Mareykanka, kaasoo inta badan diradda lagu saaray la dagaalanka Kooxaha argagaxisada ah ee ku faaftay dhammaan daafaha Dunida, waxaana Shirkaasi furay Boqorka Wadanka Sacuudiga Boqor Salmaan, waxa uuna soo dhaweeyay in Dalkiisa uu hormuud u noqdo, islamarkaasna laga dhiso xaruun lagala dagaalamo Argagixisada, wuxuuna ku baaqay in si wadajir ah caalamku u wajaho, ayna horboodaan Wadamada Islaamka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo shirkaasi ka qeybgalay ayaa si gaar ah ula kulmo qaar ka mid ah Madaxda shirkaasi ka qeybgaleysa oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Wadanka Mareykanka Donald Trump, waxayna isla soo qaadeen arrimo khuseeya labada wadan iyo labada shacab, iyadoo Trump uu ku casuumay Mudane Farmaajo inuu socdaal ku tago Aqlka cad ee Magaalada Washinton, iyadoo casuumadaasi ay si rasmi ah u soo bixim doonto marka uu Trump ku laabto Dalkiisa.
Madaxweynaha Soomaaliya & Madaxweynaha Maraykanka oo ku kulmay Riyaadh Sacuudi arabiya

Madaxweynaha Soomaaliya & Madaxweynaha Maraykanka oo ku kulmay Riyaadh Sacuudi arabiya

HALKAN RIIX VIDEO DAAWO

SOMALI NEWS

To Top