WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Madaxweyne Biixi oo ka hadlay Doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biix Cabdi ayaa markii ugu horreeyay ka hadlay dorashadii 15-ka May ka dhacday Magaalada Muqdisho ee Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya loogu doortay Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxaa uu sheegay inay soo dhaweynayaan doorashadii ka dhacday Muqdisho ee xilka Madaxweynaha loogu doortay Xasan Sheekh, taasi oo uu xusay inay si nabad ah ku qabsoontay.

Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland ayaa waxaa uu Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh ugu hambalyeeyay xilka loo doortay, isagoona Alle uga baryay inuu u fududeeyo mas’uuliyada loo dhiibay, una duceeyay Madaxweynaha la doortay.

Wuxuu intaas kusii daray Madaxweyne Muuse Bixii in dowladda Federaalka ay Somaliland u aqoonsan tahay Gobol kamid ah Soomaaliya, isla markaana waxaa uu sheegay inay ka doonayaan oo kaliya in la kala nabad helo oo labada dhinac kala nabad helaan.

 

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA BIIXI

DAAWO:-Madaxweyne Biixi oo ka hadlay Doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh
To Top