WARARKA SOOMAALI

Ciidamada Somaliland oo Maanta la wareegay Degmada Boocame ee Gobolka Sool

Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga Somaliland ayaa duhurnimadii Maanta la wareegay degmada Boocame ee Gobolka Sool, sida ay sheegayaan wararka aan ka heleyno degmadaas Boocame

Ciidanka Somaliland oo watay gaadiidka nooca dagaalka ayaa gudaha u galay degmada Boocame, isla markaana la wareegay gacan ku heynta degmadaas, sidoo kalena la sheegay in Calanka Somaliland laga taagay Xarunta degmada iyo Saldhiga Ciidanka.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay Ciidanka Milateriga ee qabsadaay Boocame ay halkaas ka sameeyeen dabaal-degyo ku saabsan Xuska 18-ka May oo Somaliland u aqoonsan tahay in ka Go’day Soomaaliya inteeda kale.

Ciidamada Somaliland ayaa labadii sano ee u danbaysay la tilmaamay inay wadeen qorshe ay ku doonayaan inay ku qabsadaan degmada Boocame, waana degmada ee Gobolka Sool Somaliland gacanteeda ka maqneyd.

Ciidamada Somaliland oo Maanta la wareegay Degmada Boocame ee Gobolka Sool
To Top