WARARKA SOOMAALI

Xubno ka tirsan Al-shabaab oo isku dhiibay Ciidanka Dowladda Soomaaliya

Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan kuwa qeybta 60-aad ee ku sugan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa soo Bandhigay xubno ay sheegeen inay tirsanaayeen Al-shabaab oo isku soo dhiibay Ciidamada Xoogga dalka.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka qeybta 60-aad ayaa sheegay in 5 xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab, isla markaana ka howlgalayay deegaano ka tirsan Gobolka Baay, iyagoona muddo dheer ka tirsanaa Shabaab, balse ay isku soo dhiibeen Ciidanka dowladda.

Xubnaha oo wareysi lala yeeshay ayaa tilmaamay in muddo badan ay ku jireen Al-shabaab, ayna uga soo baxeen duruufo farabadan oo jira aawgood, taasian ay keentay inay soo wareegaan dhanka Ciidamada dowladda ee ku sugan Magaalada Baydhabo.

Sidoo kale xubnahaan ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Xasan Cabdikariin Sheekh, Cabdullaahi Sankuus Maxamed, Maxamed Jeelow Shariif, Mukhtaar Maxamed Ibraahim iyo Maxamed Cali Isxaaq.

Si kastaba Ciidanka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa qeybta 60-aad ayaa dhowr jeer oo horey soo bandhigay Saraakiil iyo xubno ay sheegeen inay kasoo goosteen Al-shabaab, kuwaasi oo iska dhiibay deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada dalka.

Xubno ka tirsan Al-shabaab oo isku dhiibay Ciidanka Dowladda Soomaaliya
To Top