WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Madaxweynaha Soomaaliya oo safar dhulka ah ku maraya Deegaanada Mudug iyo Galgaduud-Video

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku guda jira socdaalka nabadda iyo dib u heshiisiinta ee uu ku marayo qeybo ka mid ah gobollada dalka ayaa gaaray magaalada Cadaado ee Gobolka Galguduud.

Madaxweynaha waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Cadaado boqolaal shacab ah oo isugu soo baxay fagaarayaasha magaalada iyaga oo ruxaya calanka Jamhuuryadda Federaalka SoomaaliYa.

Madaxweyne Farmaajo oo loo gudbiyey Xarunta Madaxtooyada magaalada Cadaado ayaa halkaas kula hadlay shacab-weynaha isugu soo baxay soo dhaweyntiisa, isagoona ku ammaanay wadinayadda iyo rajada wanaagsan ee ay ka qabaan dalka.

“Waxaan ka shaqeynaynaa sidii aan u xoojin lahayn maamulkan, kuna hormarin lahayn deegannada Galmudug, annaga oo u hureyna dadaal kasta oo aan awoodno, idinkana waxaa la idin ka rabaa in aad sii laba laabtaan dadaalkiina.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyaddu ayaa galinkii hore ee hore waxa uu ka soo ambabaxay magaalada Gaalkacyo, iyadoona ay si weyn u soo dhaweyeen shacabka ku nool Saddex Higlo, Bandiiradley, Ceel Akhwaan, Dagaari iyo Gelinsoor kuwaas oo marin u ah jidka dheer ee isku xira Gobollada Mudug iyo Gal-guduud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay Galmudug waxa uu kulamo wadatashi la yeelan doonaa madaxda Dowlad Goboleedka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

SOMALI NEWS

To Top